Taagero War Saxaafadeekii Labada Xisbi ee UDUB iyo UCID
Toronto (Bederwanaag) September 25, 2011 - Hadii aanu nahay dadka qurbe-jooga ah ee ka soo jeeda Bahweynta HABAR YOONIS, waxaanu si buuxda u taageeraynaa war saxaafadeedkii ka soo baxay labada xisbi ee UDUB iyo UCID, kuna taariikhaysnaa 19kii bisha September, 2011. Kaas oo ay ku deedafaynayeen in doorashada soo socota aan lagu galin diiwaan-gelintii hore ee aan dhamaystirka ahayn. Hadaba Anagoo taageerayna war-saxaafadeedkaa, waxaanu leenahay waxaa mudan in la xaq dhawro lana ilaaliyo muwaadinka xuquuqdiisa sida uu qoraayo distuurka u yaala qaranka Somaliland, kaas oo ina faraaya in qofkasta oo reer somaliland ah oo ku nool wadanka uu xaq u leeyahay in la doorto waxana uu doorto. Sidaa awgeedna anagoo ka duulayna labadan qodob ee hoos ku qoran waxa aanu ku baaqaynaa in aan lagu gelin doorashada soo socota diiwaan gelintii hore.
1.Markii diiwaan gelinta hore la sameynayay may dhicin ama lama samayn wacyi gelin ku filan dadweynaha loomana sharaxin faa’idooyinka ay leedahay diwaan gelin iyo aqoonsi qaadashadu. Waxa aynu ognahay in ay duruufo badan oo dacaayado ahi ay ku xeernaayeeyn markii ay diwaan gelintu bilaamatay oo odhaneyey in wadamada reer galbeedka loo gudbinaayo sawiradood iyo farahooda, sidoo kale lama raacin sidii deeq bixiyayaashu ugu talo galeen,oo ahayd in qof kasta laga qaado sawir iyo faro,dabadeedna loo dhigo ama loogu kaydiyo server-ka dhexe,(central server) ,taas oo sababtay in dad badan laga qaado sawiro keli ah,halka kuwa kalena laga qaaday faro qudha, meelaha qaarkoodna laga helaayo in qof qudhi dhowr jeer is diwaan geliyey.
2.Mudadii la sameeyey diiwaan gelintii hore waxaa ka soo wareegtay mudo ka badan shan sano,taas oo sababtay in dad lagu qiyaasey 30% ay gaadhay da'doodu xiligii codaynta,taas oo ay soo cadeeyeen ururada sameeya daraasaaka tira koobka,maadaama ay xaqiiq raadiyayaashu soo saxeen in tiro koobkaasi uu u baahan yahay in dib loo saxo,waxa waajib ah,inaan qofkasta oo muwaadin ah xuquuqda uu siiyeey dastuurku aan laga duudsiyinj ama la waasiin oon la dhaafin.
Hadaba sababaha kor ku xusan awgeed, waxaanu soo jeedinaynaa hadii aanu nahay qurbe-jooga bahweynta HABAR YOONIS in aan lagu gelin diwaan gelintii hore ee dalka ka dhacdey,si ay u suganto tixgelinta iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta reer Soomaalilaand meel kasta oo ay joogaan. . Waxaanannu ku buurinaynaa kuna adkaynaynaa cidii ay khusayso diiwaangelinta iyo aqoonsi u samaynta dadweynuha in diiwaan gelin sax ah dalka laga sameeyo iyadoo aan cidna laga tegin oo muwaadiniinta loogu tago degaanada ay degan yihiin iyadoo loo fududaynaya miyi iyo magaalaba sidii uu qof waliba fursad ugu heli lahaa in uu is diiwaan-geliyo aqoonsina qaato.
Wa bilaahi tawfiiq