Bederwanag News Online

Home World News
Business
Photos
Multimedia
Advertise
About Us
Contact Us
More Info

Waa muuqaal Ku Saabsan Diiwaangelinta Togdheer

Waxa isku soo duba-riday Bederwanaag News Online December 15, 2008

Warbixin Guud Diiwaangelinta Gobolka Togdheer

Diiwaangelinta Burco

Burco(HWN):- Guud ahaanba Gobolka Togdheer ayaa Maanta si rasmi ah waxa uga bilaabantay diwaangalinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Somaliland, isla markaana waxa ku sugan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wefti uu hogaaminayo, Guddoomiyayaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Xildhibaano labadaasi Gole ka tirsan, Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ah, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Wasiiro Xukuumadda ka tirsan iyo Masuuliyiin Komishanka doorashooyinka ka tirsan.
Cabashooyinka dadwynaha.

Burco (Bederwanag) December 15 - Waxa si rasmi ah uga socda guud ahaan Gobolka Togdheer diiwaangelintii codbixiyayaasha, iyadoo wararka naga soo gaadhayaa ay tibaaxeen in in dedweynaha gobolku ay dhinacooda u diyaargaroobeen una soo baxeen isdiiwaangelinta.

Wufuud badan oo ka timid Caasimada Hargeysa oo ka kooban Baarlamaanka, Dawlada, Xisbiyada, Madax-dhaqameedyo, wariyayaal iyo dadweyne kale oo aad u farabadan oo ka kala yimid gobollada kale ee Soomaalilaand ayaa iyaguna hada ku sugan magaalada Bucro ee Caasimada Gobolka Togdheer.

Xaga Baarlamaanka iyo Dawlada waxaa ka kala socda laba wafti oo balaadhan oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Mdne Abdirahman Cabdillahi Cirro iyo M/Xigeenka Mdne Axmad Yuusuf Yaasiin. Labada wafti oo ay la kala socdaan dhinaca baarlamaanka - K/Xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaano kale, dhinaca dawladana wasiirada Hawlaha Guud, Wershadaha, Maaliyada iyo madax kale oo UDUB ah. Waxa kale oo iyana jooga gobolka wufuuda xisbiyada mucaaridka ah oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, Mdne Axmad Maxamed Siilaanyo iyo Mdne Faysal Cali Waraabe iyo madax sarsare oo labada xisbi ka tirsan.  

Guud ahaan diiwaangelintan gobolka Togdheer hadda ka socotaa kama duwana kuwii ka dhacay seddexdii gobol ee kale [Saaxil, Awdal iyo Maroodi-Jeex], markaad u eegto xagga hawgalka, goobaha, farsamada iyo jaangooyada ay Gudida Diiwaangelinta Doorashooyinku u dhigeen.

Marka hadaba aanu soo maray goobo kala duwan, waraysina ka qaadnay qaar ka mid ah dadkii goobahaas iska-diiwaangelinayay, waxay noo sheegeen in ay dhibaatooyin xagga tamarta, farsamada, kala horida, nidaamka iyo hawgelintuba ay aad u liidato oo ay dadweynuhu aad ugu dhibaataysan yihiin in ay laymanka ku jiraan saacado faro badan oo ay hawlihii ay lahaayeen ka balaheen. Hadaba kolka laysku soo duuduubo cabashooyinka dadweynaha waxa weeye:

1- Goobaha loo qoondeeyay in layska diiwaangeliyo oo ah 196 goobood oo aan la saami ahayn marka loo eego tirada dadka faraha badan ee magaalada Burco gudaheeda, degmooyinka kale iyo tuulooyinka ku xayndaabanba raabo raabada isugu soo baxay in ay iskadiiwaangeliyaan.
2- Shaqaalaha ku hawlan diiwaangelinta oo badankoodu aanay xirfad farsamo lahayn, tababaro ku filana aan la soo siin ka hor inta aanay hawsha diiwaangelinta la bilaabin.
3- Qalabka loo adeegsanayo diiwaangelinta oo ay tiradooda, tayadooda iyo tamartooduba aad u hoosayso: sida Kombiyuutarada [computers], Skaanariska [scanners], Daabacayaasha [printers] iyo qalabka kale ee la xidhiidha.
4- Dadka waayeelka ah, kuwa xanuunsanaya ama naafada ah oo iyaga habayaraatee aan loogu talo gelin in si gaar ah loola dhaqmo oo ay helaan gargaar gaar ah oo u fududeeya isdiiwaangelinta.
5- Wakhtiga ay ku qaadato in qof qudhi isdiiwaangeliyo ayaa kolka laysku celceliyo ay meelaha qaarkood gaadhaa in ka badan 30 daqiiqo, marmarka qaarkoodna waxaabay qof qudha ku qaadato in uu in ka badan saacad. [Ogow wakhtiga uu qofku laynka ku soo jiray kuma jirto celceliskan; hadii taa lagu daro qofka waxay ku qaadanaysaa nus gelin iyo wax ka badan].

Wufuudan Cul Culus ee ka kala Socota Baarlamaanka, Dawlada iyo Xisbiyadu toona weli kama ay hadlin dhibaatooyinkaa aanu soo sheegnay ee ka muuqda goobaha diiwaangelinta ee waxaad moodaa in madaxdu ay iyagu u socdaan dhoolotusad siyaasadeed iyo casuumad hadba meel ka dhacda oo ay ka qaybgalaan iyo ta u muhiimka ah iyaga oo ah fursad sawireed (photo opportunities).

Xasan Caddib Iidleh

Bederwanaag News Online

Burco Somaliland

Go up / Sare u noqo

 

Bederwanaag News Online is where you can find the most realiable news from home