Bederwanag News Online

Home World News
Business
Ogaal
Multimedia
Advertise
About Us
Contact Us
Weird News

Maanta Iyo Wararkii Wargeyska Ogaal


Hargeisa (Ogaal) July 21, 2010 - Mudaneyaasha Wakiilada oo gudogalay dooda ajandaha Kal-fadhigooda 12aad... Ka Akhri Gudaha Maxaa sababay saxeexa Dr. Idiris ee heshiiskii uu hore ugu diiday Baanka Adduunka?
“Wasiir Idiris dano gaar ah ayuu ka leeyahay (lahaa) diidmada saxeexa heshiiska Baanka Adduunka……” Mid ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
“Mashaariicda waxa ka mid ah, tusaale ahaan in shantii reer ee meel degan-ba laga dhaxaysiinayo Beer Caws ah”
“Markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimi ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano”
Hargeysa, 21 July 2010 (Ogaal)- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo wax ka yar toddobaad ay xukuumadiisu xilka ku wareejinayso, ayaa shalay xilligan kala-guurka ah heshiis la saxeexday Baanka Adduunka, kaasoo muhiimadiisa uu ku sheegay dhismaha Kawaan Hilibka xoolaha ah oo laga hirgelinayo dhawaan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer iyo Mashaariic kale.
Wasiirka oo ay weheliyeen Wasiiru-dawlaha Wasaaraddaasi Inj. Aadan Daahir Maxamed (Aadan Dheere), Agaasimaha Guud Dr. Maxamuud Cali Giire iyo Madaxda Hay’adda FOA oo la soo mariyo mashaariicda Baanka Adduunka, ayaa xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha shalay shir albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay wefti ka socday baanka adduunka. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim Cabdi oo shirkaa ka dib Saxaafada uga waramay waxyaabihii kulankaasi ku saabsanaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, "Qoladani waxay ahaayeen koox ka socotay Baanka Adduunka oo mashaariic badan oo laga fuliyay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maalgeliyay. Markii isbedelkan cusubi Somaliland ku yimid ayay u yimaadeen inaanu xogihii u dambeeyay kala qaadano. Waxaana Weftigan Hoggaaminayay ninka haysta Mashaariicda Baanka Adduunka. Mashruuca kawaanka weyn ee Hilibka ee Magaalada Boorame, ayaa ka mid ahaa mashaariicda ay maalgeliyeen, waxa kale oo ku jiray mashaariic cawska xoolaha la xidhiidhay iyo biyo-qabatino la sameeyay, waxaana baraago laga sameeyay dalka ilaa labaataneeyo meelood arrimahaasi ayay daba socdaan immika."
Wasiirka Xanaanada Xooluhu waxa uu sheegay in Weftigan Baanka Adduunka ka socota ay shalay la saxeexdeen heshiis la xidhiidha sidii ay Kawaanka Hilibka Burco u dhisi lahaayeen, isaga oo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Waxay immika ogolaadeen inay dhisaan oo aanu kala saxeexanay dhismaha kawaanka hilibka ee Burco…inay ku sameeyaan ilaa Bisha September ee sanadkan. Kawaankaa Burco ee ay dhisayaan wuxuu la mid noqonayaa ka Magaalada Boorame, waxaana aanu weydiisanay inay lixda gobol ee waawayn-ba ka dhisaan kawaano waawayn. Markaa Kawaanka Burco waxa ku baxaysa in illaa laba milyan oo Dollar ah." "Waxa kale oo ay balanqaadeen inay sii wadaan biyo-qabatinnada ay dalka ka samaynayaan. Waxa kale oo ka mid ah mashaariicda ay Wasaarada la fulin doonaan, iyaga oo soo marinaya Hay’adda FAO, tusaale ahaan in shantii reer ee meel degan-ba laga dhaxaysiinayo Beer Caws ah," ayuu hadalkiisa raaciyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Xukuumada xilka lagala wareegayo. "Kawaanka Hilibka Boorame wuxuu awood u leeyahay inuu dhoofiyo Hilibka haddii uu furmo madaarka Boorame, markaa Weftigan ujeedadiisu sidaasi ayay ahayd…waxa kale oo aanu ka sii wadahadalay qiimaynta mashaariicdii hore ee aanu wada-qabanay, Mashaariicda dambena waxaanu ku wareejin doonaa dawlada cusub." Ayuu yidhi Mr. Idiris Ibraahim Cabdi.
Wasiirka oo la weydiiyay sida uu sharci u noqonayo heshiiskan cusub ee uu la galay Baanka Adduunka xiligan kala-guurka ah ee xukuumadiisiina xilka wareejinayso, waxaanu ku jawaabay, "Heshiiskani mid wayn maaha ee waa mashaariic horumarineed, dawlada cusub ayaa la wareegi doonta, balse waanu u sii saxeexaynaa ilayn hawshii anagaa sii wadnee." Mar la waydiiyay hadii xukuumadiisu xilka wareejiso halka uu ku dambaynayo iyo inuu dibadda tegayo, waxa uu sheegay inaanu meel kale tegayn ee uu dalka joogayo.
Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in heshiiska xilligan labada dhinac kala saxeexdeen uu ahaa mashruuc ku-talogalkiisu waqti hore fuli lahaa, balse dano leexsan ay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo kaashanaysay Madaxtooyadu dib ugu riixeen waqti kale. Sidaa daraadeedna, xilligan ay weftiga ka socda Baanka Adduunku ugu yimaadeen sidii aanu mashruucaasi meesha uga baxeen oo waqtigiisu u dhaceen. Sidoo kalena, heshiiskan uu shalay saxeexay Dr. Idiris, ayaa ka mid ahaa Mashaariic waxtar u ahaa dalka oo uu hore u diiday, balse waxay su’aashu tahay, sababta ku khasabtay inuu heshiiskaa saxeexo shalay iyada oo uu xukuumada uu ka tirsan yahay ee xilka wareejinaysa uu waqtigeedii ka hadhsan yahay lix maalmood oo keliya. Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, ayaa hore ugu eedeeyay Wasiirka Wasaaraddaas Mr. Idiris inuu dano gaar ah ka lahaa diidmadii heshiiska uu shalay qalinka ku duugay.

Wefti culus oo Faransiisa oo booqday maxaabiista budhcad-badeedda & Aataarta qadiimiga ee Laas-geel
“Maslaxadda ka dhaxaysa labada waddan waanu ka wadahadalay, xidhiidhkana waanu sii xoojinaynaa” – Madaxweyne Siillaanyo
“Waxaan Somailand uga sidaa Dawladda Faransiiska iyo Baarlamaankaba hambalyo” – Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti
Hargeysa, 21 July 2010 (Ogaal)- Madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa shalay qaabilay wefti uu hogaaminayo Safiirka Faransiiska u fadhiya Djibouti Dominique Decherf.
Weftigan Faransiiska ahi markii ay socdaalkaas ka soo noqdeen, waxay kulan la yeesheen Madaxweyne Siillaanyo. “Aad baanu ugu faraxsanahay weftigan ka socda dawladda Faransiiska imaantinkiisa. Maslaxadda ka dhaxaysa labada waddana waanu ka wadahadalay. Xidhiidhka labada waddana waanu sii xoojin doonaa, insha allaah.” Ayuu yidhi Madaxweynaha la doortay Md. Siillaanyo ka dib kulankoodii. Waxaana kulankaa kala qaybqaatay Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga KULMIYE.
Weftiga Faransiiska oo shalay dalka soo gaadhay, ayaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, waxa ku soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee dalka Faransiiska, Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka ku guulaystay. Weftigan ayaa ka hor intii aanay kulanka la yeelan Madaxweyne Siillaanyo waxay gelinkii dambe ee shalay booqasho ku tageen Jeelka Mandheera iyo goobaha taariikhiga ah ee Degmeda Laas-geel. Isla markaana waxay Jeelka Mandheera ku booqdeen Maxaabiis u xidhan falalka Budhcad-badeednimo, kuwaasoo ay saddex xubnood oo ka mid ah maxaabiistaas kulan la yeesheen. “Saddex maxbuus ayaanu ka aragnay, saddexddaas oo aanu u dooranay da’da iyo meelaha ay u kala dhasheen. Waxaanu dooraay kii ugu da’da yaraa oo 19 jir ah, ka ugu wayn oo 45 jir ah iyo mid dhexe oo 22 jir ah. Waxaananu sidaa u samaynay inaanu ogaano cidda ay ka kala socdaan. Puntland waxaanu ka qaadanay 2 qof (kii 19 jirka iyo 45 jirka), halka ka 22 jirka ahina uu ka soo jeedo Muqdisho, kaasoo Muqdisho ka yimi 2007 waxana uu ku noolaa Boosaaso. Ilaa 50 qof oo maxaabiistaas ah ayaanu waydiinay wax dhibaatooyin ah inay la kulmaan ‘maya,’ ayay yidhaahdeen, weftiguna aad bay uga heleen,” sidaa waxa yidhi Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska.
Safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti oo shalay qolka nasashada garoonka diyaaradaha ee Cigaal ugu waramay Taleefishanka SLNTV, waxa uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho hambalyaynta labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya iyo u kuurgelista xaaladdaha dalka yaala. “Haa. Waa markii ugu horaysay ee aan imaado Somaliland tan iyo intii doorashooyinku dalka ka dhaceen,” ayuu yihi Safiirku oo intaa ku daray, “Waxaan halkan (Somaliland) u imi sidii aan ugu hambalyayn lahaa Somaliland doorashooyinkii xorta ahaa ee heerka caalami ahaa ee dhacay iyo inaan u hambalyeeyo labada madaxweyne ee talada la kala wareegaya oo aan uga hambalyaynayo natiijooyinkii soo baxay iyo siday u aqbaleen.” Safiirka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi, “Waxaan Somailand uga sidaa Dawladda Faransiiska iyo Baarlamaankaba hambalyo, isla markaana maadaama oo ay Somaliland tahay mid xasiloonideedu muhiim u tahay gobolkan Geeska Afrika, isla markiiba waanu ka wadahadli doonaa wada-shaqaynta aanu la yeelanayno.”
Weftigan uu hogaaminayo Safiirku waxa ka mid ah xubin baarlamaan oo xukuumada Faransiiska iyo Baarlamaankooduba ay u soo xil-saareen soo ururinta sidii loola dagaalami lahaa ama horumar looga gaadhi lahaa budhcad-badeedda.

Guddiga ilaalinta hantida xilliga kala-guurka oo digniin jeediyay
“Dadku sidii hore maaha oo hurdadii wuu ka kacay, xiskiisiina si fiican buu ugu soo noqday”
Axmed Xaaji Cali Cadami
“Ninkii bixiya hanti umaddu leedahay sharciguu jabiyay, umadana dambi buu ka galay oo…” Guddoomiyaha guddiga ilaalinta hantida xilliga kala-guurka
Hargaysa 21, July 2010 (Ogaal)- Guddida ilaalinta hantida qaranka ee xilliga kala-guurka, ayaa digniin u diray dad ay sheegeen inay ganacsato yihiin oo ay ku eedeeyeen iibka hantida ma guurtada qaranku leeyahay.
Guddiga oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxay sheegeen inay jiraan dad ku hawlan iibsashada hantida ma-guurtada ah ee umaddu leedahay, waxayna sheegeen in cidii lagu qabto falal noocaas ah sharciga la horgayn doono.
Ugu horayn, guddoomiyaha guddigaas Mr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo halkaas ka hadlay, waxa uu ka waramay waqtiga ay warbixintooda oo dhamaystiran guddi ahaan soosaari doonaan, wuxuuna digniin u diray dad uu ganacsadayaal ku sheegay oo uu xusay inay ku kaceen iibsashada hantida umadda. “Xilkayagu wuxuu ahaa muddadaa kala-guurka ah ee dawladii horena waqtigeedii dhamaaday, tii cusbaydna aanay meesha qabanin, waa muddo khatar ah oo aan hore inoo soo marin dad badan oo ay ugu horeeyaan shaqaalaha dawladu ayey ka qasnayd oo aan garanayn waxa xilkoodii yahay iyo halka ay ku sugan yihiin, dad kale oo tiro yarina waxay doonayeen muddadaa xasaasiga ah ee xilka lala kala wareegayo inay ka faaiidaystaan oo hantida ummada ay bililiqaystaan. Guddidayadan Madaxweynuhu wuxuu u magacaabay hantidaa ummada ee qaranku leeyahay in laga ilaaliyo bililiqaysiga, waxaanan idiin sheegayaa bisha 25-keeda anagu waxaanu soo bandhigaynaa warbixin dhan wixii aanu soo qabanay, wixii aanu badbaadinay, si ay shacabku u arkaan in wax la biliqaystay iyo in kale,” ayuu yidhi.
Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyay ciqaabta ay mudan karaan dadka bixiya iyo kuwa iibsashada hantida qaranka. “Haddaba ninkii bixinaya hanti ummadu leedahay sharciguu jabiyey, umadduu dambi ka galay, Illaahay iyo diinta ayuu dambi ka galay, ku guulaysan maayo waa laga daba imanayaa, shaqo ayaa la qaban doonaa, sharciga ayaa lala tiigsan doonaa, kii qaatayna kaba sii daran isaguna tuug kalkaal ayuu noqday, waxaanu lahayn oo ay ummadu leedahay oo masaakiintu leedahay ayuu iibsaday oo uu lacagtiisii ku bixiyay. Markaa waxaanu leenahay lacagtaadii waad iska qasaarisay, nimankaan la hadlayaa way I wada garanayaan waa niman ganacsadayaal oo magaalada jooga manta, magacyadoodana waanu haynaa, ballan waxaan idiinka qaaday inaydaan calfanayn ummada xoolahooda. Waxaan idin leeyahay intay goori goor tahay lacagtiinii la soo noqda, tuugada iska dhaafa oo xalaal shaqaysta, aakhiradiina ilaashada, rabshada inaga daaya,” ayuu raaciyay.
Waxa uu sheegay in falalka noocaasi ahi aanay haboonayn, isla markaana ay jid xun umadda u horseedi karaan. “Dadku waa xogogaal, dadka been baa soo dilootay, wax dabadiisii sii muuqdo oo afkaba lagu sii wado oo dadkoo dhami arkayaan baa muddo dheer la waday, sidii hore dadku maaha hurdadii wuu ka kacay, xiskiisii si fiican buu ugu soo noqday, dareen buu leeyahay waakaa dawladna ridaya, midna saaraya, tii xumaatana diyaar u ah inuu rido. Waxaanu leenahay yaan loo quudhin dadkaa cay oo aan laga dhigin dad aan waxba ogayn,” sidaana waxa yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubin ka ah guddiga ilaalinta hantida xilliga kala-guurka lagu jiro.
Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo isna xubin ka ah guddigaas, kana tirsan golaha Wakiilada oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu dadweynaha ka codsaday inay la soo socodsiiyaan boobka lagu hayo hantida qaranka inta lagu jiro xilliga kala-guurka.”Waa wixii inaga wada dhexeeyey, markaa dadka qaar baad moodaa marka hantida dawlada la yidhaahdo inaanay iyaga khusaynin, waxaanu leenahay waxan la boobayaa waa wixiinii, waxay ka timi cashuurta yar ee la idinka qaado, waana hantidii yaanu qof jeeba ku shubanin ee soo sheega,” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Somaliland: Yamaniyiin iyo Ugaadh ay wateen oo gacanta lagu dhigay
Hargeysa 21, July 2010 (Ogaal)- Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox Kalluumaysto ah oo u dhashay dalka Yemen.
Kooxdan ugaadhsatada ah oo Isniintii gacanta lagu dhigay, waxay doonayeen inay si sharci-daro ah ugaadh kaga dhoofiyaan degmada Saylac ee Galbeedka Somaliland. Warku wuxuu intaa ku daray, in kooxdan kalluumaysatada ahi ay ugaadhsanayeen xawayaanka loo yaqaano Harimacadka.
Taliyaha ciidanka Xeebaha Somaliland Cismaan Jibriil Xagar, ayaa sheegay in kooxdaasi ka koobnayd afar kalluumaysto Yemeniyiin ah, laba doonyood oo ay wateen, laba nin oo Soomaali ah oo abbaan u ahaa iyo 9 Harimacad, laguna qabtay degmada Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal. Taliyuhu wuxuu sheegay in dadkaas ay qabteen ay si dhakhso ah Maxkamad u gayn doonaan.

Mudaneyaasha Wakiilada oo gudogalay dooda ajandaha Kal-fadhigooda 12aad
Hargaysa 21, July 2010 (Ogaal)- Mudaneyaasha golaha Wakiilada Somalland, ayaa shalay gudogalay dooda ajandaha kal-fadhigooda 12aad.
Fadhiga shalay oo uu gudoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa doodooda ka dhiibtay mudaneyaal dhawr ah, gaar ahaan guddi-hoosaadyada golaha, iyadoo ajanduhu ka kooban yahay warbixino, xeerar iyo ansixinta masuuliyiin qaran. “Anaga halkan laba xeer baa noogu jira xeer golaha galay oo ah xeerka baananka Islaamiga ah, xeerkani goluhuu yaalaa waana sax in lagu daro ajandaha. Laakiin, xeerka ka ganacsiga hawlaha baanku diyaar maaha oo lama waydiin guddida inuu diyaar yahay, waxaanu u baahan yahay shaqo iyo la tashi badan in laga sameeyo. Markaa waxaan odhan lahaa Shirguddoonka xeerkaa diyaarka ah oo keliya halagu daayo, ka kale ee aan guddida ka diyaar ahayn maadaama uu waqtigu kooban yahay lagama gaadhsiin karo, markaa kaa halaga saaro, waxa kale oo muhiim ah inay Shirguddoonku eegaan inta ka hadhay bisha Ramadaan,” sidaa waxa yidhi Xoghayaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha golaha Wakiilada Xildhbaan Maxamed Nuur Caraale (Duur).
Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyn oo isna doodaa shalay ka qaybgalay, waxa uu soo jeediyay in duuduub lagu ansixiyo qodobada ajandahani ka kooban yahay. “Ajandahani wuu wanaagsan yahay, waayo wuxuu sheegayaa ama caddaynayaa xeerar soo dhamaaday oo akhriskoodii labaad gali lahaa, markaa waa la soo koobay waqtiga oo yar awgeed, wixii xeerar ah ee imika diyaar ah ee u baahan shaqo hala dhameeyo, waxaanan soo jeedin lahaa ajandahaa sidiisa aynu ugu codayno, dooddana aynu duuduubno,” ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne. “Waxaan halkan ka sheegayaa xeerka ansixinta u yaala ee xeerka Biyaha qaranka waxa ka maqan oo aan golaha ku wargelinayaa qaybtii biyaha Badda, saaka (shalay) ayaan wasaaradda Kalluumaysiga soo maray, lifaaq ahaan ayay inoogu keenayaan guddidii khayraadka dabiiciga ahina sidaa ha u ogaadaan,” sidaana waxa yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Raygal.
Sidoo kale, waxa dooda shalay ka qaybgalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw Xoog) oo soo jeediyay in ajandaha qodob kale lagu daro. “Anigu waxaan ku dari lahaa xeerka xadaynta musharka golayaasha,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Boosaaso: Raafka Reer Koonfureedka oo galaaftay nolosha laba Askari
Boosaaso 21, July 2010 (Ogaal/VOA)- Laba askari oo ka tirsanaa Booliska maamul-gobolleedka Puntland, ayaa shalay lagu dilay magaalo-xeebeeda Boosaaso.
Labadaa askari oo si gaar gaar ah loogu kala dilay badhtamaha Boosaaso, waxay ka mid ahayeen ciidamo hawlgalo raaf ah ka waday magaaladaas, kaasoo lagu qaaday dadka Koonfurta Soomaaliya ka soo barakacay.
Waxa la sheegay in dilkaas ay geysteen rag hubaysan oo aan la aqoonsan, mana cadda sababta keentay dilalkaas.
Hase yeeshee, siday wararka qaarkood sheegeen, dilka askartaasi waxay la xidhiidhaa raaf xoogan oo lagu qaaday dadka ka soo jeeda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya, kaasoo ay ka xumaadeen shacabka ku dhaqan Puntland oo maamul-gobolleedkaas ku dhaliilay qaabka ay dadkaas u raafayso.
Dilkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii labaad ay ciidanku wadeen hawlgalkaa raafka ah oo lagu qabqabanayo dadka u dhashay gobollada Koonfurta, kuwaasoo laga qabqabanayo suuqyada, jidadka iyo goobaha ganacsiga ee Boosaaso.
Hawlgalkan oo Puntland ugu yeedhay mid amaanka lagu sugayo, waxay shalay oo keliya ciidanku ku qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu xidhay saldhigyada Booliska magaaladaas.

Shirguddoonka Wakiillada oo kala-badh Mudaneyaasha golaha baafinaya
Hargeysa 21, July 2010 (Ogaal)- Shirguddoonka golaha Wakiilada Somaliland, ayaa baafinaya kala-badh Mudaneyaasha golahooda.
Sida lagu sheegay qoraal u-yeedhis ah oo Shirgudoonku shalay soosaaray, waxa la baafinayaa 39 Mudane oo laba xubnood uun ka dhiman yihiin kala badh 82 xubnood ee goluhu ka kooban yahay. Qoraalkan yeedhmada ah ee shalay, waxa uu ka dambeeyay qoraal hore oo doraad Shirguddoonku ku baafiyay 38 Mudane, waxayna sheegeen in dhamaan xubnaha kala dambeeyay ee loo yeedhay ay sabab la’aan fadhiyada golaha waqtiga xilhayntoodu dhamaadka ku dhaw yahay uga baaqsadeen.
Qoraalka Shirguddoonka iyo magacyada ay soosaareen Mudaneyaasha la baafinayaa, waxa uu u dhignaa sidan; “Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu ku wargelinaya Xildhibaanada magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ka maqnaaday fadhiyadii golaha sabab la’aan, inaanay ka maqnaanin fadhiyada golaha oo uu ugu horeeyo fadhiga maanta ee golahaas.
Xildhibaanaddaasina waxay kala yihiin sidan:
1. Aadan Xaaji Diiriye Dirir
2. Axmed Cabdi Siciid
3. Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe)
4. Axmed Ibraahim Daahir (Axmed Weyne).
5. Axmed Maxamed Cali (Beegsi)
6. Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne)
7. Axmed Xasan Aadan Muuse (Weysa cade).
8. Axmed Maxamed Nuur
9. Cabdi Maxamuud Jaamac
10. Cabdicasiis Ismaacil Ducaale
11. Cabdiqaadir Askar Xasan
12. Cabdiqaadir Xaji Ismciil Jirde
13. Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan
14. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
15. Maxamed Cismaan Maxa’ed (bulqaas)
16. Farxaan Maxamed Cali
17. Xaashi Xuseen Caabi
18. Xariir Siciid Bulaale
19. Xamse Maxamed Gaade-Weyne
20. Ibraahim Jaamac Cali
21. Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere)
22. Ibraahim Caraale Cabdi
23. Ikraan X. Daa’uud Warsame
24. Khadar Aadan Xasan (Ambasador)
25. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud
26. Mahdi Xaji Xasan Sugaal
27. Maxamed Yaasiin Sh. Cali
28. Maxamed Barkhad Miigane (Xamal)
29. Maxamuud Dhunkaal Guutaale
30. Maxamed Cali Jibriil
31. Maxamed Cali Xirsi
32. Maxamed Faarax Qabile
33. Maxamed Jaamac Cali
34. Maxamed Jaamac Cabdi
35. Maxamed Xaji Maxamuud Cumar Xaashi
36. Muuse Maxamed Ismaaciil (Hoos u jeed)
37. Naasir Xaaji Cali Shire
38. Saleebaan Yuusuf Cali Koore
39. Siciid Maxamed Cilmi.”

Source: Wargeyska Ogaal

Hargeisa, Somaliland

 


Wadaag / Share | Bookmark and Share

Go up / Kor u kac