Bederwanag News Online

Home World News
Business
Photos
Multimedia
Advertise
About Us
Contact Us
Weird News

Heesta Calanku Iyadaa Hadlaysa(Is Fasiraysa)

Abwaan Cali Axmed Raabi “Cali Seenyo”


Heesta Calanku Iyadaa Hadlaysa(Is Fasiraysa)London (Bederwanaag) December 3, 2009 - Waxaa jirtay waraysi aan dhawaan siiyey Hadhwanaag in dadka qaar si aan ahayn ujeedadaydii u arkeen, anigu waxaan aad u ixtiraamayaa Fikirka shaqsiga ah iyo kala duwanaanshaha dhinaca aragtida dirkaba, waxaan ahay nin ogol ama u bisil in la cambaareeyo, la naqdiyo waxna laga sheego qoraaladayda iyo hadaladayba, balse waxaan dadka kula talinayaa in aanay waqti badan iskaga lumin waxyaabaha sida cad u muuqda ee aan habayaraatee wax madmadow ahi saarayn

Tusaale ahaan heesta Calanyohow qofka u baahan in uu fahmo ujeedada loo sameeyey, ha dhegaysto heesta, heestu iyadaa hadlaysa sheegaysa ujeedadeeda, Saaxiibadayda arintan ka hadlayaa waxay markhaati ahaan aad u qaadan karaan madashii, masraxii iyo maalintii la qaaday oo ahayd 18.05.09. isla markaana waxaa la wada qaaday heesta kale ee aan sameeyey ee " Allahayow samatabixi Somaliland, Rabbow saranseer ha badin Somaliland.

NIn baa beri yidhi " Waxaan Illaahay la ogahay baa jira". dadkii baa yaabey, weger baana la wada yidhi. Ninkii baa markii lala yaabey yidhi " Waxaan Illaahay la ogahay, waxa weeye waxa waysadaydaa ku jira. Markaan lahaa waa la wadaqaadayaa Ujeedadaydu may ahayn heesta dadkaa loo wada sameeyey, ee Waxaro ayaan aqaanaa, Dudumaan aqaanaa, waxaan uga danlahaa sidii heesihii hore waxaa la arkayaa iyada oo qaar badan oo kale qaadayaan. Bal Dugo oo Deeho Heesta Calanka

Illaahay baa mahad leh

Cali Axmed Rabi Seenyo

 

Go up / Kor u kac